Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay 10 Dhagarqabe.

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ee Gobolka Galguduud ku dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka aragagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha howlagalka hoggaamineysa ayaa xaqiijiyay in Nabadiidka laga dilay in ka badan 10 dhagar-qabe, iyadoona la burburiyey meelihii ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka aragagixisada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in argagixisada jabweeyn la gaarsiiyay.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanku ka war helaan in nawaaxiga deegaanka Sino-dhaqo ku dhuumaaleeysanayaan maleeshiyaadka nabadiidka sidaas darteedna weerar ay ku qaadeen.

La wadaag cid kale