Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay Galmudug

La wadaag cid kale

Muqdisho.(SONNA):- Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo lagu baacsanayo kooxda nabad-diidka Al-shabaab ay ka wadeen deeganaada maamulka Galmudug ayaa maanta waxay howlgal ka sameeyeen deegaanka Qayacad oo qiyaastii 8-KM u jira Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Howlgalka oo ay qeyb ka yihiin Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa intii uu socday waxaa argagixisada Al-shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka maanta Al-Shabaab looga dilay 35-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira, waxaana sidoo kale jira dhaawac intaas ka badan.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay argagixisada ka furteen saanad ciidan, islamarkaasna la sii baacsanayo.

La wadaag cid kale