Ciidanka NISA oo howlgallo qorsheysan ku soo qabtay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Ciidamadda ammaanka gaar ahaan Ciidanka Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa xalay ka fuliyay Degmada Afgooye oo saddex Dhagar-qabe oo Al-Shabaa ka tirsanaa lagu soo qabtay.

Dhagar qabayaashan ay gacanta ku dhigeen Ciidamadu Ha’yadda NISA dabagal ku haysay ayaa argagixisada u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Miinooyinka, kuwaas oo qorshaynayey in hawlgalo shacabka dhagar loogu maleegayo oo miino aasid iyo qaraxyo ah ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Ciidamadda Duufaan ee NISA sida ay ugu guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan dhagar qabayaasha ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

 

La wadaag cid kale