Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

La wadaag cid kale
Muqdisho (SONNA)-Ciidamadda Amniga ayaa xiray toban dhagar qabe oo ka tirsan argagixisada Alshabaab lana wareegay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal.
Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, Gaadiid iyo Hub magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa hawlgal kan ku burburiyay shabakad ka tirsan argagixisada oo abaabulayay dilal iyo falal amniga lid ku ah.
Dhagar qabeyaasha la qabtay ayaa isugu jira maleeshiyaad loo diyaariyay beegsiga shacabka, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay hadii ay wax soo gaaraan maleeshiyadaan inay daaweeyaan iyo dhagar qabayaal kale oo qaabil sanaa deegamaynta iyo u adeegidda maleeshiyadaan.
Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, ayaa waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin.
La wadaag cid kale