Ciidanka Danab iyo Nabad Sugidda Jubaland oo jab xooggan gaarsiiyey Argagixisadda Al-shabaab

La wadaag cid kale
Muqdisho(SONNA):Ciidanka kamandooska Danab ururka 5-aad ee guutada 16-aad oo ay is kaashanayaan Ciidanka Nabad sugidda Jubaland ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegamada galbeedka magaalada kismaanyo.
saraakiisha Ciidanka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey inay hawlgalka ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Ururka Argagixisadda ah ee Al-shabaab,sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen afar maxbuus oo ka mid ahaa Ururka Al-shabaab.
dhinaca kale Ciidanka ayaa hawlgalkoodan ku furtay hubkii ay ko hawlgelayeen kooxaha Argagixisaddu iyo hal Gaari oo nooca Raaxadda ah sidoo kale Ciidanka ayaa gubay laba Gaari oo kooxdu ku hawlgeli jirtay,ciidanka ayaa sidoo kale fashiliyey Qaraxyo ay diyaarisay kooxda Argagixisadda Al-shabaab,saraakiisha Ciidanka ayaa soo bandhigay qaraxyada ay fashiliyeen.
Deegaanada kala ah Beerxaani, Qudus, Dharkeyn-urur iyo Barjella oo galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa laga fuliyey howlgalladaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Nabad sugidda Jubbaland.
La wadaag cid kale