Ciidamada Xoogga dalka oo soo bandhigay hub iyo meydka horjooge ka tirsan Al-Shabaab

La wadaag cid kale

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21-aad oo ay weheliyaan Daraawiishta Galmudug ayaa soo bandhigay Saanad iyo maydka horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka nabad-diidka Al shabaab kasoo ku dhintay Dagaal galabta ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug

Saraakiisha ayaa sheegay inay dagaalkii galabta ku dileen Horjoogayaal ka tirsan Argaguxisada Al shabaab oo ku sugnaa goobaha ay Ciidanku weerareen,islamarkaana ku soo furteen hub ay ka kala carareen maleeshiyaadkii la weeraray.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay inay la wareegeen Fariisimo ay Argaguxisadu ku dhuumaalaysanyeen.

La wadaag cid kale