Ciidamada Puntland oo Cagta mariyay goobo ay ku dhuumaalaysanyeen Argagixisada

La wadaag cid kale

Boosaaso-(SONNA)-Ciidamada kala duwan ee  dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgallo qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Howlgalladan oo ka dhacay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ayaa lagu burburiyay fariisimo uu keyd badan u yiillay Al-shabaab.

Howlgalada ayaa ah kuwa weli ka socda Buuraleyda Gobolka Bari, iyadoo ay Ciidamadu sii baacsanayaan kooxihii halkaasi ka baxsaday ee Argagixisada Al-shabaab.

La wadaag cid kale