Ciidamada Israel oo 3 falastiin ah ku dilay weerar ka dhacay Jenin

La wadaag cid kale

Saddex falastiiniyiin ah ayaa la dilay 10 kalena waa la dhaawacay, kadib markii ciidamada Israel oo u hubeysan gaadiidka dagaalka ay weerareen magaalada Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Ilaa 30 ka mid ah baabuurta ciidamada Israel ayaa saacadihii hore ee maanta  weerar ku qaaday magaalada Jenin,gaar ahaan xaafadda al-Marah ee bariga magaaladaasi,waxayna rasaas ku fureen afar nin ,iyagoo halkaasi ku diay Saddex halka midkii afraadna uu soo gaaray dhaawac culus.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa magacyadooda ku sheegtay Baraa Lahlouh (24-jir), Yuusuf Saalax (23-jir) iyo Laith Abu Suroor (24-jir).

Dadka deegaanka Jenin ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in Israa’iiliyiintu ay damacsanaayeen in ay dumiyaan guriga Raed Hazem, kaas oo 7-dii April ka geystay weerar toogasho ah oo lagu dilay saddex Israa’iiliiyiin ah ka hor inta aan la toogan.

Ciidamada Israel ayaa kordhiyay weerarada gudaha iyo hareeraha xerada Jenin ee la heysto, iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan iska caabinta hubeysan ee Falastiiniyiinta oo halkaasi ku sii kordhaya.

 

La wadaag cid kale