Ciidamada amniga oo howlgal ka sameeyay magaalada Jowhar

La wadaag cid kale

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada amniga ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga saakay waxay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafadda Hanti-wadaag oo xalay weerar bam loo adeegsaday uu ka dhacay.

Ciidammada ammaanka ayaa sameeyay baaritaanka, waxayna saaraakiisha hoggaamineysay howlgalka ay sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay, islamarkaana ciidamada amniga si wanaagsan ula dhaqmeen dadka deegaanka.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay magaalada uu ka dhacay weerar bam gacmeed loo adeegsaday oo lagu qaaday guri ay deganaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana dhaawac uu soo gaaray saddex xildhibaan oo hadda xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan martigelineysa doorashada xildhibaanada golaha Aqalka sare ku matali doona maamulka Hirshabeelle.

La wadaag cid kale