Cidina Ma Helayso Ammaan Ilaa Dadka oo dhammi ay Helaan Ammaan

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Cidina Ma Helayso Ammaan Ilaa Dadka oo dhammi ay Helaan Ammaan
“Aragtida Shiinaha ee ku aadan Maamulidda Amniga Dunida”

“Xoojinta isku duubnida iyo isku xirnaanta si loo gaaro amni mid ah” ayaa waxaa uu ahaa halku-dhegga kulanka 2-aad ee heer wasiir ee madasha Amniga iyo Nabadda ee Shiinaha iyo Afrika, kaas oo la qabtay dhowr todobaad ka hor July 25. Madaxweyne Xi Jinping oo dhambaal hambalyo ah u diray madasha ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in Shiinaha iyo Afrika ay yihiin saaxiibo, shuraako iyo walaalo, oo u wada shaqeeya si wadajir ah, isna garab istaaga dhib iyo dheefba.
Dunidan waxaa hareeyey isbadallo caalami ah iyo cudur safmar ah oo aan qarni la arag. Waxaa ay khataraha amni usoo ifbaxayaan midba kan ka dambeysa halka bulshooyinka caalamka ay wajahayaan caqabado aan horay loo arag. Xaqiijinta nabad waarta iyo amni caalami ah waa han ay wadaagaan shucuubta Shiinaha iyo kuwa Afrika. Shiinuhu waxaa uu mar weiba hormariyaa xiriirka kala dhaxeeya Afrika iyo ka go’naanshiyaha taageeridda maslaxadda guud ee ku aaddan xaqiijinta danaha midka ah, kuwaas oo ku qotoma mabaadi’da daacadnimada, niyad wanaagga, isu soo dhowaanshiyaha iyo gaarista hadaf mid ah. Shiinaha waxaa uu kala shaqeyn doonaa saxiibbada Afrikaanka ah, u hoggaansanaanta aragti amni oo guud, mid ah, la iska kaashado, oo waarta iyo ilaalinta nidaamka dowliga ah oo ay xuddun u tahay Qaramada Midoobay, iyo ilaalinta cadaaladda iyo cadaaladda dowliga ah, xoojinta fulinta hindisaha amniga dunida iyo dhismaha bulsho leh masiir mid ah oo ku aadan casriga cusub.

Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha Wei Fenghe oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Shiinaha iyo Afrikaba looga fadhiyo iney ku adkaadaan isfahamka saxiibtinimo iyo iskaashiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika, iyada oo la raacayo hindisaha amniga ee dunida iyo weliba in si qotodheer loo sii taageero iskaashiga nabadeed iyo midka amni ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika iyo in wadajir ah loo dhiso bulsho amni. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka qeyb galay shirka ayaa waxaa uu sheegay in iskaashiga amni ee Shiinaha iyo Afrika uu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo dunidaba taasi oo ay ku jirto danaha bulshoweynta caalamka.

Inta u dhaxeysay June 20 ilaa 21 June, waxaa Adis Ababa, Itoobiya lagu qabtay shirka 1-aad ee Shiinaha iyo Geeska Afrika oo ku saabsanaa nabadda, dowlad wanaagga iyo horumarka. Dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Djibouti, Kenya, Uganda, Sudan iyo koonfurta Suudaan ayaa shirka usoo diray wafuud heer sare. Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan geeska Afrika oo shirka lagu casuumay ayaa khudbad ka jeediyey. Dhinacyada waxaa ay guud ahaan isla soo qaadeen aragtiyo sidii si madaxbannaan oo wadajir ah loo wajihi lahaa arrimaha amniga gobolka, horumarka, maamulka, iyaga oo gaaray heshiis muhiim oo lagu soo saaray warmurtiyeedka soo baxay shirka kadib, laguna xusay teegeeridda feker kala duwanaanshiyaha, diidmada cunaqabateynta halka dhinac ah, faragelinta dibadda ah iyo weliba in wada hadal lagu dhameeyo wixii khilaafaad ah oo jira.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sanadkan mar uu booqasho ku yimid Afrika waxaa uu soo bandhigay aragtida nabadda iyo horumarinta geeska Afrika, taasi oo ay soo dhoweeyeen dalalka ku yaalla geeska Afrika. Shiinaha waxaa ay taageerayaan in dalalka gobolka ay si madaxbannaan u xalistaan qadiyadaha gobolka, waxaa uu si firfircoon uu xikmadiisa ugala qeyb qaatay dadaalada la xiriira nabadda iyo horumarinta gobolka. Waxaa mahadleh dadaallada wadajirka ah ee Shiinaha iyo Afrika, oo waxaa bilowday hirgelinta guushii ka dhalatay aragtida shirkii ugu horeeyey ee nabadda gobolka kaas oo tarjumayey sifada ay ku caan yihiin Shiinaha ee la xiriira fulinta iyo dhowrista ballamaha u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika si waxtar leh, oo u adeegeysa iskaashiga iyo hadafka lagu heshiiyey.

Iyada oo uu Shiinaha soo bandhigay aragtidan nabadda iyo horumarinta geeska Afrika ee lagu taageerayo dalalka gobolka sidii ay u wajihi lahaayeen caqabadaha amni, horumar iyo maamul, hadana waaqica horteenna ah waxaa uu noo sheegayaa in hannaankaas nabadda iyo horumarka uu wajahayo khataro halis ah, oo aan horay loo arag. Waqtiga la joogo waxaa dunida meel walbo weli cirka isku shareeraya Covid 19. Iyada oo ay dhibaatada Ukraine kasii dareyso, siina faafeyso, taasi oo keeneysa sare u kac la xiriira qiimaha cuntada iyo tamarta, waxaa dhammaan hareeraha dunida kasoo ifbaxaya kharato iyo caqabado amni oo horay u jiray iyo qaar cusub.
Xilligan xasaasiga u ah nabadda caalamka iyo horumaraba, waxaa uu soo jeediyey madaxweynaha Xi Jinping hindisaha amniga dunida taas oo jawaabo cadcad ka bixineysa su’aalaha casriga sida: Aragti amni noocee ah ayey dunida u baahantahay iyo sida dalalka u gaari karaan amni guud, kaas oo bixinaya aragti muhiim ah, xal cusubna u ah maamulidda amniga dunida.
Hindisaha amniga dunida waxaa uu xoogga saarayaa mabda’a amniga oo aan kala qeybsamin kaas oo ah (1). Ma haboona in la kala saaro amniga qofka iyo amniga dadka kale, horumarrada qotada dheer ee dunidan, basharka oo dhan waxaa ay wajahayaan masiir mid ah, keliya in la qaado halka hirka u socdo, lana maro waddo amni oo ay ka muuqato wax wadaqabsi mid ah, masaalix wadaag iyo guul labo dhinac ah oo laga wada shaqeeyo ayaa lagu gaari karaa nabad iyo amni muddo dheer ah oo ku aadan nafteena iyo dunidaba. (2). Ma haboona in la kala qeybiyo amniga horay loo yaqiin iyo midka cusub, marka laga soo tago khatarta amni ee ay argigixisadu keento, cudurka Covid 19, cunno iyo tamar yarida khatartoodu kama fududa, bal waaba dilaa. Dalalka oo dhan waxay baahi weyn u qabaan in ay iskaashigoodu xoojiyaan iyo in ay qaataan istaraatiijiyad guud oo la xiriirta in dawo loo helo astaamaha iyo waxa keena, loogana jawaabo guud qadiyadaha amni kuwa horay loo yaqaaney iyo kuwa cusubba. (3). Ma haboona in la kala qeybiyo xuquuqda amni iyo waajibaadka. Dalalka oo dhan, weyn iyo yar, mid xoog leh iyo tamar yar, mid hodan ah iyo faqiir ah waxay xaq u leeyihiin ilaalinta amnigooda, sidoo kale waxaa uu waajib ka saran yahay in ay hubiyaan xaquuqdaasi ay isticmaaleen aaney khatar amni gelin dalalka kale. (4). Ma haboona in la kala saaro amniga iyo horumarka, amniga waa aasaaska horumarka halka horumarka uu yahay dammaanadqaadka amniga.

Taariikh ahaan waayo-aragnimadu waxaa ay na tusayaa in daahis dabadheeraata oo ku timaada dhanka horumarka waxaa ay isku badashaa daahis amni. Haddii qadiyadaha amni aan si wacan loo maareyn, guulaha horumar ee la gaaray waxaa ay ku burburi karaan maalin iyo habeen.

Keliya iskudheelitirka horumarka iyo amniga ayaa noo suurtogelin kara nabad waarta iyo baraare guud.
Iyada oo laga jawaabayo qalalaasaha ka taagan dalka Ukraine, dhammaan waddamada jecel nabadda, oo uu ku jiro Shiinaha, waxay ku baaqayaan in la joojiyo xabadda iyo colaadda, in gacan laga geysto dejinta xaaladda, bixinta gargaar banii’aadamnimo, iyo in loo gogol xaaro in nabadda aan la dib dhigin,oo degdeg lagu soo celiyo.

Laakiin waxaa jira dalal qaar oo dib u dhigaya, oo carqaladeynaya wada hadallada diblomaasiyadeed iyaga oo leh dano la xiriira geopolitics, waxaa ay doorteen in ay cunaqabateeyaan, ayna hub usoo diraan si ay dab ugu shidaan, xaaladdana iska hor imaadkana uga darto.

Halkii la xalin lahaa dhibaatada taasi waxaa ay horseeday in heerka loolanka oo sii ballaarto, si aad ahna kor ugu kacaan qiimaha shidaalka iyo cuntada. Cunaqabateynta dhaqaale waxaa ay horseedday natiijo caski ah, oo waxaa ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo dad badan oo ku nool dalalka soo koraya.

Dhibaatada Ukraine waxay nooga digaysaa, weliba si aan loo riyaaqin, in dunida isku xiran tahay, oo qaarkeen haddii ay dhibaato soo gaarto, ay inta kale ay la dhibaatoonayaan. Xaqiiqooyinka waxaa ay na tusayaan in cunaqabateyn dheeraad ah iyo hub tiro badan aaney keeni karin nabad, balse ay uga sii darayaan uun dhibaatada dhaqaale ee caalamkan la daalaa-dhacayey cudurro.

Shiinuhu waxa uu rumeysan yahay in mar weliba oo dunidan hareeyo qalalaaso ay sii adkeyneyso caqabadaha iyo dhibaatooyinka heysta Afrika, waa inaan fiiro gaar ah u yeelanno rabitaanka Afrika, badinno taageeradeenna iyo kaalmaha aan siinno Afrika, innaga oo ah walaal wanaagsan ay leeyihiin dalalka Afrika, Shiinuhu waxaa uu sii joogteyn doonaa inuu garab istaago Afrika, in Afrika aad uga taageero amniga iyo nabadda iyo in Afrika ka taageero dib u kabasho dhaqaale, si aad ah Afrika uga taageero dhowrista xuquuqdeeda iyo danaheeda sharciga ah, iyo in Afrika la siiyo gacanqabad waajib ah oo la xiriira madaxbannaani iyo horumar dhan walba kulmiya oo waara.

Shiinaha iyo Afrika waxay abid ahaayeen bulsho mustaqbal wadaag ah, iskaashiga amnina waa mid ka mid “Tiirarka shanta” ah ee aasaas u ah wax wada qabsiga Shiinaha iyo Afrika. Sanadihii dambe waxaa ay si firfircoon usoo jeedin jirtay talooyin la xiriira amniga iyo nabadda Afrika.

Marka laga soo tago aragtida nabadda iyo horumarka ee geeska Afrika, Waxaa ku jiray “sideeddii hindise ee muhiimka” ahaa ee Shiinaha iyo Afrika ay ku gaareen shir madaxeedkii ka dhacay Beijing 2018 ee madasha iskaashiga Shiinaha iyo Afrika(FOCAC) hidise la xiriira nabadda iyo amniga, sidoo kale “Sagaalkii Barnaamij” ee lagu gaaray shirkii 8-aad ee heer wasiir ee iskaashiga Shiinaha iyo Afrika(FOCAC ) ee 2021 waxaa ku jiray barnaamij la xiriiray nabadda iyo amniga.

Hindiseyaashaasi iyo barnaamijyadaasi waxaa ay tixgeliyaan duruufaha dhabta ah ee Afrika, waxaa ayna ka tarjumaan baahida Afrika, waxaa ayna Shiinaha iyo Afrikaba siiyeen hab aad u cadcad ah, lana xadidi karo iyo xariiq dhismo oo ay si wadajir ah bulshada Shiinaha iyo Afrika ugu lahaadaan mustaqbal aamin ah, oo ay wadaagaan.
Kalsoonida siyaasadeed ee ka dhaxeysa, taas oo sii xoogeysaneysa iyo iskaashiga adag ee saxiibtinnimo ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika waxaa ay tusaale u yihiin dhismaha nooc cusub ee xiriirka caalamiga ah, oo lagu yaqaan furfurnaan iyo isu keenid.

Dhinacyada dhammaantood waa in ay meel iska dhigaan caqliyaddii dagaalkii qaboobaa oo ay, iska hor imaadka ka doortaan wada hadal, is qasbidda ka doortaan wada tashi, xulufeysiga ka doorbidaan shuraakada iyo in hal dhinac guuleystana ay ka doortaan in la wada guuleysto.

Waa waddada keliya ee looga gudbi karo hummaagga amni, laguna xaqiijin karo amni caalami ah iyo barwaaqo mid ah.

May sanadkan, waxa boorka laga jafay doorashooyinkii Soomaaliya, waxaana dalka u furmay bog cusub oo ku aaddan in la aado dhanka amniga iyo horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si cad ugu sheegay xafladdii caleemosaarkiisa in amnigu yahay waxyaabaha hortabinta u leh xukuumadda federaalka ah, Soomaaliyana ay ka go’an tahay in dhexdeeda heshiis ahaato, dunidana ay heshiis la ahaato.

Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeyo xiriir saxiibtinnimo, qoto dheer oo taariikhi ah, waxaa ay mar walba ahaayeen labo is fahamta, is xushmeysa, iskana taageerta dhinacyada amniga marka la joogo heerarka la xiriira kuwa labba geesoodka ah ama qaarka dhinacyada badan, waxaa ayna si wada jir iskaga kaashadaan caqabada amni ee kala duwan, ha ahaadeen qaar horay loo arki jiray ama qaar cusube.
Dhanka Shiinaha waxaa uu sii wadi doonaa inuu si dhow ula shaqeeya xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo xoojiyo xiriirka saxiibtinnimo oo taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya iyo in inta karaankiisa ah uu dadaal ku bixiso in dhinaca Soomaaliya laga taageero dhinacyada nabadda iyo amniga iyo ka qeybgalka dib u dhiska nabadeed ee Soomaaliya.
Haddiiba uu cudurka Covid 19 wax na baray, cidina caafimaad fiican ma helayso ilaa dadka oo dhammi helaan caafimaad wanaagsan, maanta marka Bini’aadamka oo dhammi wadaagaan masiir amni oo mid ah, ma jirto cid gaar ah oo amni helaysa ilaa dadka oo dhammi ay helaan amni, taasina waa aragtida dhabta ah ee amni ee Shiinuhu u arko in ay ku jirto dannaha caalamka.

W/Q: Ambassador Fei Shengchao, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

La wadaag cid kale