Biriq ku dishay in ka  badan 70 qof dalka Hindiya

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in biriq dishay 74 qof,  24 saac ee lasoo dhaafay.

Biriqdaan ayaa ku dhufatay seddex gobal oo kala ah  Uttar Pradesh, Rajasthan iyo Madhya Pradesh 24-kii saac ee la soo dhaafay, kadib markii roob mahiigaan ah da’een.

Dowladda ayaa u tacsiyeysay qoysaskii laga geeriyooday, waxeyna ku tilmaantay dhacdadaaan mid ka mid ah masiibooyinkii ugu xumaa ee ka dhacay dalka mudooyinkaan danbe.

 

La wadaag cid kale