Warbixin:-Barraaruga Bulshada Baxdo

La wadaag cid kale

SONNA..(Baxdo)..Bulshada dhiiran ee magaalada Baxdo ayaa daaha ka rogay muhiimada ay leedahay midnimada iyo iskaashiga lagu wajaho la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee Al-shabaab Weerarada fuleynimada ah ee ay la beegsada Goobaha ay shacabka ku sugan yihiin.

Baxdo waa degmo ka tirsan Gobolka Galguduud, waxaa ay ka kooban tahay toddoba xaafadood,dagmada dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay ganacsiga iyo xoolaha nool ganacsigeeduna wuxuu xiriir laleeyahay magaalooyin dhoor ah sida Muqdisho, Boosaaso,Gaalkacyo Hargeysa, Hobyo, Baladweyne Iyo Cadoodo.

Dadkeedu waxaa ay u badan yihiin barashada Culuumta Islaamka, taasi oo laga garan karo doorka ay culimada ku leeyihiin deegaanka.

Warbaahinta Qaranka ayaa booqatay degmada Baxdo oo ka tirsan Gobolka Galguduud, taasi oo 17 bishii June weerar ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,weerarkaasi waxaa looga dilay in ka badan 70 ay ku jiraan Horjoogeyaal iyo dagaalameyaal.

Dagaalka oo socday saacado uma kala harin qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada, Dhalinyarrada, arrintaasi oo muujisay midnamada iyo iskaashiga ka dhaxeeya shacabka magaalada Baxdo,weliba maamulka iyo Ciidanka oo u muujiyay Garab istaag.

“Waxaa ka lifay in Bulshada reer Baxdo is abaabulaan, ka dib markii dhowr jeer ay inoo soo waceen, oo ay nagu yiraahdeen joojiya waxyaabaha aan Allaah ugu dhowaaneyno sida digriga” ayuu yiri Shiikh Xuseen Shiikh Axmed oo kamid ah Culimada Magaalada.

Ma ahan markii u horreysay ee Maleeshiyaadka Argagaxisada isku dayaan in ay soo weeraraan degmada Baxdo, balse Shacabka iyo Maamulka oo wada shaqeyn dhow ka dhaxeyso ayaa keenay in aysan awood u helin la wareegida  gacan ku haynta Maamulka  iyo Magaalada Baxdo.

Dhinaca kale, marka la Eego Xaaladda magaalada waxaa ka darreemaysa Nabad iyo Isku tashiga dadka Baxdo,dhacdaadasi ma hor istaagin horumarka ka socda degmada. Waxaana maalin ka dib ardeyda u fadhiisteen Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare.

La wadaag cid kale