Gudaha
Guddoomiye Muungaab "Mashruuca biya mareennada magaalada ayaa bilaha soo socda la dhagax dhigi doonaa"

Hadaladaan ayaa imaanaya xilli maanta xarigga laga jaray dib u habeynta wartii Suuqa Siigaale oo ay dhibaatooyin ku qabeen shacabka ku dhaqan Degmada Hodan.
Mashruucaan oo ay si gaar ah u dhaqangalinayaan Xafiiska R/wasaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda waxaa ku baxaya lacag gareysa in ka badan boqol milyan oo doolar.
Mashruuca maareynta biyo fariisiga Muqdisho ayaa lagu wadaa in dhammaan lagu habeeyo goobaha leh biyo qabadka ee Gobolka Banaadir.



