Wararka
Xarunta JSP ee degmada Warsheekh oo si rasmi ah loo daah-furay

Warsheekh(SONNA):-Waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Xarunta Dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee degmada Warsheekh, Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Munaasabadda daah-furka xarunta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, xubno ka tirsan Ururka JSP, maamulka degmada Warsheekh iyo boqolaal ka mid ah shacabka degmada.
Furitaanka xaruntan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ururka JSP ee lagu xoojinayo xiriirka bulshada, mideynta taageerayaasha iyo dardargelinta ka-qaybgalka siyaasadeed iyo geeddi-socodka doorashooyinka.
Xarunta ayaa sidoo kale noqon doonta goob ay xubnaha iyo taageerayaasha Ururka JSP ku xoojiyaan xiriirka bulshada, isla markaana ay uga qeyb qaataan wacyigelinta iyo howlaha la xiriira geeddi-socodka doorashada qof iyo cod.






