calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf — SONNA

MUQDISHO(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray xusuus-qorka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaas oo loo tarjumay luuqadda Carabiga.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka loo galay tarjumaadda iyo faafinta xusuus-qorkan, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Ustaad Maxamuud Ciise Faarax oo buugga u tarjumay luuqadda Carabiga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, qorista iyo faafinta taariikhda Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in taariikhda la qoro ay door muhiim ah ka qaadato fahamka waayihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo dhisidda jiil garanaya taariikhda dalkiisa iyo halgankii loo soo maray dowladnimada Soomaaliya.

La wadaag