Wararka
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing kula kulmay Wasiirka Raadiyaha iyo Telefishinka China.
Soomaaliya iyo China ayaa hadda dib u xoojinaya calaaqaadkooda iskaashiga dhinaca dhaqanka iyo bandhigyada

Beijing (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Raadiyaha iyo Telefishinka dalka China Marwo CAO Shumin.
labada wasiir ayaa ka wada hadlay iskaashiga, wada shaqeynta iyo wax wada qabsiga labada dowladood.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dowladda iyo Shacabka Shiinaha soo dhaweyntooda qiimaha badan waxaana uu soo bandhigay sida Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ugu diyaarsan tahay wax wada qabsi iyo horumarin la xiriirta dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, si gaar ah waxa uu Wasiirka carabka ugu adkeeyey ka go'naashihiisa in uu hormariyo islamarkaana casriyeeyo Warfaafinta Soomaaliya.






