calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanku ku leeyihiin dowlad-dhiska, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.

Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka
Wasiirka Dekadaha oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha dhaqanka — SONNA

Baydhabo (SONNA): Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada deegaanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimadu ku leeyihiin dowlad-dhiska, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada kaalinta muuqata ee ay ka qaateen xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ku aaddan ilaalinta midnimada bulshada, nabadda iyo ka shaqeynta maslaxadda guud ee deegaanka iyo qaranka.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka, malaaqyada iyo culimada ayaa si weyn ugu mahadceliyay Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) booqashadiisa iyo dadaalka joogtada ah ee uu ugu jiro u adeegidda shacabka iyo horumarinta dowladnimada.

La wadaag