calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Awqaafta XFS oo dalka Mauritania uga qeyb galay shirweyne caalami ah

Wasiirka Awqaafta XFS oo dalka Mauritania uga qeyb galay shirweyne caalami ah
Wasiirka Awqaafta XFS oo dalka Mauritania uga qeyb galay shirweyne caalami ah — SONNA

𝗡𝗢𝗨𝗔𝗞𝗖𝗛𝗢𝗧𝗧-𝗠𝗔𝗨𝗥𝗜𝗧𝗔𝗡𝗜𝗔-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa dalka Mauritania uga qeybgalaya kalfadhiga 39-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Dacwada iyo Shareecada Islaamka ee Siirada Nabiga, oo maanta ka furmay magaalada Nouakchott.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 50 dowladood, waxaana isugu yimid culimo, masuuliyiin iyo wakiillo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa barashada iyo faafinta hanuunka Siirada Nabiga (NNKH), iyadoo si gaar ah looga hadlayo doorka tawxiidka, akhlaaqda, saxidda caqiidada iyo sidii mabaadi’daas loogu xoojin lahaa bulshada Muslimiinta.

Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkan caalamiga ah, isagoo ka qeyb qaadanaya kulamada iyo doodaha looga hadlayo arrimaha diinta, dacwada, iyo iskaashiga dowladaha iyo hay’adaha Islaamiga ah.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee Kalfadhiga 39-aad ayaa sidoo kale fursad u ah dowladda Federaalka Soomaaliya inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada diinta, waxbarashada iyo iskaashiga Islaamiga ah.

Inta uu shirka socdo, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa inuu ka qeybqaato kulamada iyo doodaha madasha, isagoo sidoo kale kulamo la yeelanaya mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda dowladaha ka qeybgalaya shirka.

La wadaag