Gudaha
Wasiir Maareeye oo xarunta wasaaradda ku soo dhoweeyay agaasimaha gobolka ee Hay'adda IFAD

Mqudisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS,Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku soo dhaweeyay Agaasimaha Gobolka ee IFAD u qaabilsan Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika, Yurub iyo Bartamaha Aasiya, Mudane Naoufel Telahigue.
Intii uu socday kulanka, Wasiirka iyo Madaxa IFAD ee Bariga Afrika ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xafiisyada cusub ee Mashruuca RLRP-Soomaaliya, kadibna waxay booqdeen xafiisyada mashruuca iyo goobaha ay hawlihiisa ka socdaan.
Booqashada Agaasimaha Gobolka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinaayo iskaashiga Soomaaliya iyo IFAD, iyadoo diiradda lagu saarayo dib u eegista iyo horumarinta mashaariicda iyo barnaamijyada IFAD ka waddo Soomaaliya, iyo sidii istaraatiijiyadda IFAD loogu waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo lahaanshaha qaranka (national ownership) iyo in Soomaaliya ay toban jibaartay qaaraankeedii ay bixin jirtay ee IFAD, iyo in Wasiirka Wasaaradda ugu dhiibay warqad in uu gaarsiiyo Madaxwaynaha IFAD kaasoo u gudoomay mudane Naoufel, iyo barnaamijyada horumarineed ee IFAD ay si waara ugu adeegaan baahiyaha iyo mudnaanta Soomaaliya, gaar ahaan abuurista fursado shaqo oo waara oo loogu talagalay dhalinyarada.
Wadahadallada ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta horumarineed IFAD ee Soomaaliya, booqashadaan ayaa muhiim u ah sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IFAD, iyo dardar gelinta taageerada horumarinta beeraha, nolol maalmeedka bulshada, shaqo abuurka dhalinyarada iyo adkeysiga nidaamka cuntada Soomaaliyeed.



















