Gudaha
Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Jaamac Faarax, oo uu wehelinayay Taliyaha Guutada 17-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa kulan dhiirrigelin iyo is-xog-waraysi ah la qaatay saraakiisha Guutada 17-aad.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dardargelinta gudashada waajibaadka qaran, xoojinta wada-shaqeynta, horumarinta hoggaaminta, iyo kor u qaadista niyadda ciidamada.
Sidoo kale, saraakiisha ayaa lagu ammaanay dadaalkooda iyo heeganka ay ugu jiraan difaaca dalka, iyadoo lagu dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan sugidda amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.


La wadaag



