Gudaha
Taliyaha Hay'adda NISA oo soo geba-gebeeyay shir dib-u-heshiisiin oo loo qabtay beelo walaalo ah

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta soo xiray shir dib-u-heshiisiineed oo loo qabtay beelo walaalo ah oo muddo dheer ay ka dhex taagneyd colaad sokeeye, taas oo saameyn taban ku yeelatay amniga iyo wada-noolaanshaha bulshada deegaannada Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Agaasime Mahad Salaad ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xiritaanka Gogosha Dib-u-heshiisiinta, waxa uu ku adkeeyay qeybaha kala duwan ee dhaqanka muhiimadda ay leedahay ilaalinta heshiiska la gaaray, isagoo faray hay’adaha amniga inay si waafaqsan sharciga tallaabo uga qaadaan cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah qodobbada heshiiska ama carqaladeysa nabadda lagu heshiiyay.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee NISA ayaa u mahadceliyay waxgaradka, cuqaasha iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, isagoo ku boorriyay inay dowladda uga dambeeyaan xakameynta hubka iyo ilaalinta amniga deegaannada la wada dego, si loo ilaaliyo nabadda, loona xoojiyo wada-noolaashaha iyo horumarka bulshada.










