Wararka
R/Wasaare Xamse oo ku baaqay in la hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray baaq uu kaga hadlaayo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.
R/Wasaaraha,isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 161aad, farqadda (1), Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Qodobkiisa 7aad, iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo qaraarrada la xiriira shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Federaalka ah, ayuu faray dhammaan Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.

