Wararka
Qabanqaabadii ugu dambaysay ee munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Hirshabeelle oo ka socota magaalada Jowhar

Jowhar(SONNA):-Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka socota qabanqaabadii ugu dambaysay ee munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Hirshabeelle, oo dhawaan lagu doortay magaalada Jowhar.
Sida ay kusoo warramayaan wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka, munaasabadda caleema-saarka waxaa ka qaybgalaya madaxda ugu sarreysa dalka, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed,Galmudug iyo maamulka Waqooyi Bari, diblomaasiyiin ka socda dowladaha caalamka iyo marti-sharaf kale.
Xoghayaha Guddiga Diyaarinta iyo Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, ahna Wasiirka Amniga, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in ay diyaariyeen munaasabad u qalanta madaxda Qaranka ee ka qaybgalaysa.



