Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay qorshaha maalgashiga Qaranka ee cimilada

Antalya (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Antalya ka daahfuray Qorshaha Maalgashiga Qaranka ee Hindisaha Saddexaad ee Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimmilada.
Qorshahan ayaa ka kooban toddobo tiir, 27 barnaamij iyo 44 hindiseyaal maalgashi ah, iyadoo baahida maalgelintiisa tobanka sano ee soo socota lagu qiyaasay 12.8 bilyan oo doollar, si loogu horumariyo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, biyaha, tamarta, caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixisay wax-ka-qabashada saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana ay diyaarisay qorshayaal ballaaran oo lagu wajahayo caqabadaha deegaanka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka maalgelin iyo iskaashi caalami ah, si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo fatahaadaha, loona xoojiyo adkeysiga bulshada.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday Dowladda Denmark, Bangiga Adduunka, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Bangiga Horumarinta Afrika, kuwaasi oo ka wada hadlay fursadaha maalgelinta iyo taageerada hirgelinta qorshahan.











