Wararka
Madaxweynaha JFS oo diray farriin ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle u diray hambalyo ku aaddan doorashooyinka isku sidkan ee mar qura ka wada dhacaysa labada dowlad goboleed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyay kumanaanka muwaaddin ee ku nool gobollada, Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe, kuwaas oo ka qayb qaatay geeddi socodka taariikhiga ah.
La wadaag



