Wararka
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY MADAXWEYNAHA MASAR

Al-Calamay(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta iskaashiga labada dal.




La wadaag



