Gudaha
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo baaq nabadeed kasoo saartay colaad degmada Jalalaqsi

Muqdisho(SONNA):-Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedyada ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Waxay sheegtay in colaaddan ay dhaawacayso nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka, iyadoo ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo bulshada Hirshabeelle inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta dagaalka iyo helidda xal nabadeed oo waara.
Sidoo kale, waxay caddeysay in Golaha Shacabka uu taageersan yahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada. Waxayna ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan nabadda kana fogaadaan wax kasta oo colaad hor leh horseedi kara.



