Gudaha
KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay garoonka Kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay shacabka reer Gaalkacyo sida ay xoogga u saareen ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhexdooda ah, isaga oo ugu baaqay in ay awooddooda isugu geeyaan adkeynta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Gaalkacyo soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in Gaalkacyo ay tahay magaalo mideysa shacabka Soomaaliyeed loona baahanyahay in laga gudbo wax weliba oo kala qaybsanaan ah.
Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarkiisa shaqo ee nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.
























