calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Hoggaamiyaha KGS oo la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee lagu hormarinayo deeganda Koonfur Galbeed. Hoggaamiyaha ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Shiinaha ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo horumarka adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha. Danjire Wang Yu ayaa ugu hambaliyeyey Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe doorashadii lagu doortay isagoona dhankiisa xaqiijiyey sida Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo muujiyey diyaar u ahaanshaha Dowladda Shiinaha ee taageeridda dadaallada horumarineed iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ka hirgelaya deegaannada Koonfur Galbeed. Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada maaulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso deeqbixiyaasha caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara horumarka iyo adeegyada bulshada.

Hoggaamiyaha KGS oo la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Hoggaamiyaha KGS oo la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya — SONNA

Lead paragraph for the story.

Faahfaahinta dhacdooyinka

Wariyeyaashayadu waxay sii wadaan dabagalka xaaladda caasimadda, iyadoo ilo rasmi ah ay sheegeen in tallaabooyinka cusub ay dhaqan gali doonaan maalmaha soo socda.

  • Kulanka guddiga khaaska ah
  • Olola wacyigelin ah oo muwaadiniinta loogu talagalay
  • Iskaashi lala yeesho la-hawlgalayaasha gobolka

"Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo maro hufnaan iyo adeeg dadweyne."

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa marka dib-u-eegista tifaftirka la dhammeeyo.

La wadaag

Sheekooyin La Xiriira

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo ka qaybgalay kulan looga hadlayay cilmi-baarista iyo aqoonta badaha
Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo ka qaybgalay kulan looga hadlayay cilmi-baarista iyo aqoonta badaha

Mombasa-Kenya-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa ka qaybgalay shir doceed lagu qabtay intii uu socday Shirweynaha 11-aad ee Badaha kana dhacay magaalada Bombasa ee dalka Kenya, kaas oo ay soo qabanqaabisay UNESCO. Shirkan ayaa lagu falanqeeyay xoojinta sayniska, cilmi-baarista iyo aqoonta la xiriirta badaha, waxaana ka qaybgalay wafuud heer wasiir ah, madax ka socotay Midowga Afrika iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha badaha. Intii uu socday kulanka, waxaa la soo saaray baaq wadajir ah oo ka kooban toddobo qodob, kaas oo dowladuhu ku ballanqaadeen inay xoojiyaan siyaasadaha taageeraya sayniska iyo aqoonta badda, isla markaana ay ilaaliyaan madaxbannaanida aqoonta iyo cilmi-baarista la xiriirta badaha. Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa munaasabaddaasi ku saxiixay baaqa wadajirka ah ee Afrika, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta cilmi-baarista badaha, xoojinta iskaashiga gobolka, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda si waara. Waxaa la filayaa in shirkan uu door muhiim ah ka qaato joogtaynta iyo ballaarinta isweydaarsiga aqoonta, cilmi-baarista iyo khibradaha sayniska ee la xiriira badaha, kuwaas oo sare u qaadi doona iskaashiga iyo wadaagga xogta ee dalalka Afrika. Shirka waxaa wasiirka kala qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe, Safiirka JFS ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo khubaro kale oo ka socotay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.

visibility241
Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay dhallinyaro faafineysay falal dhaqan xumo ah
Wararka

Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay dhallinyaro faafineysay falal dhaqan xumo ah

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay afar eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah anshaxa iyo akhlaaqda suubban ee Islaamka. Jamaal Xasan Faarax, Cabdirazaaq Maxamed Abuukar, Mumtaz Cukaasha Cali Nuur iyo Bishaaro Yuusuf Jaamac ayaa ku eedeysan in ay barahooda bulshada ku faafiyay muuqaallo muujinaya dhaqan-xumo, kuwaas oo si toos ah uga hor imanaya anshaxa suuban ee Islaamka iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Sida ku xusan qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dhammaan eedeysanayaashan ay haatan ku jiraan gacanta Booliska, ayna ku socdaan baaris ballaaran oo dhinacyo badan leh. Marka ay baaristu dhammaato ayaa dhallinyaradan loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

visibility241
Wasiirka dhalinyarda oo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka
Wararka

Wasiirka dhalinyarda oo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka

Magacaabista ayaa ujeedadeedu tahay dardargelinta Hawlaha ahmiyadda u leh dhalinyarada

visibility243