Wararka
Hay’adda Socdaalka oo Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan amniga xuduudaha
Tababarka ayaa la doonayaa inuu qayb ka qaato casriyeynta maamulka adeegga socdaalka

Muqdisho (SONNA): Agaasime ku xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Cabdullaahi Sheekh ayaa furay tababar soconaya muddo toddobaad ah oo ku saabsan Nidaamka Casriga ah ee PISCES 10 kaas oo lagu horumarinayo awoodda maamulka socdaalka iyo sugidda amniga xuduudaha dalka.
Munaasabadda furitaanka, Agaasime Kuxigeenka Guud ayaa sheegay in casriyeynta nidaamyada maamulka socdaalka ay tahay tiir muhiim u ah xoojinta amniga qaranka iyo ilaalinta xuduudaha dalka. Sidoo kale, waxa uu xusay in tababarkani uu sare u qaadayo aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha si ay uga faa’iidaystaan teknoolojiyadda casriga ah ee lagu maareeyo socdaalka iyo xaqiijinta aqoonsiga dadka ka gudbaya xuduudaha.
Nidaamka PISCES 10 waa nidaam casri ah oo loogu talagalay maamulka xuduudaha, kaas oo awood u leh diiwaangelinta iyo maamulka xogta dadka safarka ah,
Baaritaanka baasaboorrada, fiisooyinka iyo kaararka aqoonsiga, Xaqiijinta dukumentiyada elektaroonigga ah (e-Chip) iyo ogaanshaha wax-ka-beddelka dukumentiyada iyo Baaritaanno horumarsan (Advanced Screening) iyo falanqaynta xogta (Data Analytics).
Sidoo kale, PISCES 10 wuxuu leeyahay awood uu kula shaqeeyo nidaamyo iyo keyd xogeedyo caalami ah sida INTERPOL I-24/7, API/PNR, ATS-G, UN goTravel, iyo IOM MIDAS, taas oo sare u qaadaysa awoodda baaritaanka, isdhaafsiga xogta, iyo la dagaallanka dambiyada ka gudba xuduudaha.








