Wararka
Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey Jubada hoose
Hawlgalladan oo si qorsheysan loo fuliyay ayaa lagu burburiyey fariisimo iyo goobo gambaad u ahaa Khawaarijta.

Kismaayo (SONNA): Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 162-aad ayaa hawlgallo burburin ah ka fuliyay deegaannada kala ah, Lafa-gari, Xabala Afwaax iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Hawlgalladan oo si qorsheysan loo fuliyay ayaa lagu burburiyey fariisimo iyo goobo gambaad u ahaa Khawaarijta.
Saraakiisha hoggaamineysay hawlgaladan ayaa soo bandhigay sawirada godad gambaad iyo hoy u ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku sugnaa dhulka howdka ah oo ay howlgalada ka sameeyeen geesiyaan ka tirsan Ciidankan Xooggan dalka Soomaaliyeed.








