Wararka
Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey
Hawlgalka ayaa lagu burburiyey goobo ay Khawaarijtu u isticmaalaysay cabsigelinta Bulshada

Marka (SONNA): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga magaalada Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay tuulooyinka kala ah Faytaan, Sadex, Aqab, Wabi Goof, Buula Doon, Baroodooy, Xaliima iyo Yaalo, kuwaas oo dhammaantood hoostaga Sablaale.
Taliyaha Ururka 61-aad, Dhamme Jamaal Cilmi Aadan, oo howlgalkaan hogaaminayey ayaa sheegay in howlgal lagu burburinayey goobo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysan jireen isla markaana u adeegsan jireen dhibaanteynta iyo cabsi galinta shacabka ku nool Sablaale.



