Gudaha
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo daahfuray mashruuc muhiim u ah Dadka danyarta ah

Mqudisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah, si looga caawiyo daboolidda baahiyahooda nololeed ee aasaasiga ah.
Mashruucan waxaa taageeraya Hay’adda IHH ee dalka Turkiga, oo muddo dheer ka shaqaynaysay arrimaha bani’aadannimada iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha IHH iyo barnaamijyada lagu daryeelo Agoonta iyo carruurta nugul, isagoo bogaadiyay dadaallada hay’addu ku bixiso garab istaagga dadka danyarta ah iyo kuwa nugul.
Ugu danbeyn, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Hay’adda IHH, dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha samafalka si taageero loo gaarsiiyo dadka u baahan.















