Wararka
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hambalyo u diray dhiggiisa Itoobiya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa khadka taleefanka ugu hambalyeeyay Mudane Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u rajeeyey guul iyo hoggaan wanaagsan, asigoo adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
La wadaag



