Gudaha
Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Muqdisho (SONNA) – Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi.
Intii uu kulanku socday, xubnaha Guddiga ayaa ka dooday Akhrinta Labaad ee Hindise-sharciga lagu aas-aasayo Hay’adda Dakhliga Soomaaliyeed oo ah hay’ad madax-bannaan oo dastuuri ah.
Guddiga ayaa isku raacay in la sii wado ka doodista hindise-sharcigan, iyadoo la dhammaystirayo qodobbadiisa, si loo diyaariyo warbixinta Akhrinta Labaad ee sharciga.



La wadaag



