Gudaha
Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Aqalka sarre oo la kulmay mas'uuliyiin ka socota Wasaaradda Maaliyadda XFS

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdulqafaar Cilmi Xaange iyo xubno kale oo la socoday.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa ujeeddadiisu ahayd in mas'uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda laga helo faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Dakhliga, gaar ahaan qodobbada la xiriira qaab-dhismeedka iyo shaqooyinka Hay’adda.
Xubnaha Guddiga ayaa masuuliyiinta Wasaaradda waydiiyay su’aalo iyo qodobo u baahan faahfaahin dheeraad ah, si ay u helaan aragti iyo xog ku filan oo ka caawisa sixitaanka, turxaan-bixinta iyo tayeynta Hindise-Sharciyeedka, loogana dhigo mid dhammaystiran oo ka tarjumaya baahiyaha dalka.













