Gudaha
Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Batroolka XFS

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin.
Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen Habdhowre kuxigeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa diiradda lagu saaray Axdiga Dhismaha Kooxda Istaraatiijiyadda Macdanta Afrika, waxaana Guddiga iyo Wasaaradda ay isla qaateen in la dardargeliyo Axdiga, lana helo khuburo ku takhasusay si ay uga taageeraan diyaarintiisa, ka hor inta aan loo gudbin Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.













