Wararka
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO FURAY DOOD WADAAG KU SAABSAN XIRIIRKA ISTIRAATIIJIGA AH EE KA DHAXEEYA SOOMAALIYA IYO TURKIGA

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qeyb galay furitaanka madal dood wadaag ah oo ku saabsan xiriirka dhinacyada kala duwan ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xiriirka cusub ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu ku billowday gargaar bani'aadinnimo, balse uu si degdeg ah ugu gudbay horumarin iyo ganacsi, maantana uu maraayo iskaashi istiraatiiji ah oo arrimo badan taabanayo sida dublumaasiyadda, dhaqaalaha iyo difaaca.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in mudadii lagu howlanaa dhisida xiriirka labada uu soo maray xaalado kala duwan oo mid walba oo ka mid ah ay lahayd caqabadaheeda iyo khataraheeda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in khatarta ugu weyn ee xogaha marinhabaabinta ah ee ka dhanka ah danaha labada dal ay tahay mid dhaawacaysa kalsoonida ku salaysan qiyamka bini'aadannimada, islaannimada iyo taariikhda xariirta ah ee u dhaxaysa labada shacab ee Sooamaaliya iyo Turkiye.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Bqarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku dardaarmay ahmiyadda iyo saameynta baraha bulshada oo waqtigan la joogo aad uga saameyn batay warbaahinti la yaqiinay, loona baahanyahay in la siiyo mudnaanta ay ku leedahay istiraatiijiyadda warbaahineed ee labada dal.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( (Jaamac) ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay awoodda labada dal iyo shacabka walaalaha ah u leeyihiin in ay ilaashadaan danahooda isku soohan, iskana difaacan cid walba oo doonaysa in ay dhibaatayso iskaashiga mira dhalay ee ka dhaxeeya.



