Gudaha
Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa guddoomiyay shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo qorshe-hawleedka lixda bilood ee soo socota.
Shirka ayaa lagu go'aamiyay in mudnaanta la siiyo kor u qaadista nadaafadda Muqdisho, joogteynta ololayaasha bilic-soo-celinta, horumarinta adeegyada fayadhowrka iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada. Sidoo kale, maamullada degmooyinka ayaa lagu amray inay si joogto ah ula socdaan hirgelinta qorshayaasha horumarinta caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku adkeeyay in dhammaan degmooyinka ay si buuxda u dhaqan-geliyaan Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda Gobolka Banaadir, si loo ilaaliyo bilicda magaalada loona xaqiijiyo bedqabka deegaanka.







