calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya
Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya — SONNA

Muqdisho(SONNA)--Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Marxuumka waxaa si gaar ah u loogu xusuusan doonaa kaalintii aqooneed iyo midda taariikhiga ahayd ee uu ka qaatay horumarinta Afka Soomaaliga, kobcinta aqoonta iyo dhismaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Wasaaradda Waxbarashada waxay Alle uga baryaysaa Marxuumka inuu naxariistiisa iyo Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, bahda Akademiyada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

La wadaag