Al-shabaab oo dharbaaxo adag kala kulmay Baxdo iyo Ciidamada Danab iyo Daraawiishta Galmudug oo Gurmaday.

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Dadka deegaanka Baxdo oo iskaashanaya ayaa iska caabiyay weerar ay maleeshiyada Alshabaab kusoo qaadeen deegaankaasi, waxaana ay argagixisada gaarsiiyeen khasaaro aad u xooggan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Oodowaa Yusuf Ragge oo la hadlay wakaaladda wararka SONNA ayaa sheegay in ay ciidamada Daraawiihta Galmudug iyo kuwa Danab ay u gurmadeen dadka deegaanka oo iska caabiyay maleeshiyaadka saaka weerarka ku soo qaaday magaalada Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Odowaa ayaa inta ku daray in ay firxadkooda uga dabatageen meel u jirta qiyaas ahaan magaalada Baxdo 27-KM oo lagu magacabo Xanaan halkaas oo ay ku dileen 25 ka mid ah firxadka maleeshiyada argagixisada Al-shabaab ee weerarka soo qaaday,sidoo kale  ciidamada Daraawiishta iyo Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarax oo aan wali qarxin iyo darawalkii waday gaariga.

Taliyaha Oodowaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay marin habaabinta argagxisiada Al-shabaab ay ku hayaan dhalinyarada aan garaneyn sababta ay u dagaalamayaan oo ay ugu dhimaanyaan.

La wadaag cid kale