Agasimaha Wasaaradda Gadiidka oo Kormeerey Xarunta Guud ee Dalada Isku xirka Dugsiyada lagu Barto Wadista Gaadiidka iyo Qeybta Imtixaanka Driver laysinka

La wadaag cid kale

SONNA (MUQDISHO)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Ali Gaal Gabow iyo Taliyaha Qeybta Nabadgelyada Wadooyinka Ee Taraafiko Mudane Genaral Bishaar Abshir Geedi iyo Hawl wadeenada Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa Maanta kormeerey Xarunta Guud ee Dalada Isku xirka Dugsiyada lagu barto wadista Gaadiidka iyo Qeybta Imtixaanka Driver laysinka.

Mas’uuliyiintan ayaa qeyb qeyb u booqdey Xaruntan isla markaana u kuur galay hawlaha shaqo iyo Adeega Bulshada Soomaaliyeed loogu qabto waxayna ku booriyeen in Hawlaha shaqo ee Bulshada loo hayo lagu saleeyo Cadaalad iyo Sinaan isla markaana la ilaaliyo Shuruucda.
La wadaag cid kale