Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo tababar u furay qaar  ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Agaaismaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah agaasimayasha waaxyaha ayaa maanta tababar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada si sare loogu qaado xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda.

Tababarkaan oo socon doona mudo 4 maalin ah ayaa waxaa lagu baran doonaa habka hufnaanta shaqada, maadama Wasaaradda Waxbarashada tahay hey’ad balaaran oo bixiso adeegyo muhiim u ah bulshada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarka u furmay in ay ka faa’iideystaan fursadaan tababar oo ay heleen si ay bulshada ugu adeegaan shaqa wax tar lehna ugu qabtaan Ummadda Soomaaliyeed.

 

La wadaag cid kale