Agaasimaha Guud ee warfaafinta XFS oo soo xiray tababar ku saabsan hal abuurka wax soo saarka Warbaahinta “Sawirro”

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Soddon iyo lix suxufiyiin ah oo kala socday Warbaahinta gaarka ah, Warbaahinta dowlad goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Warbaahinta Qaranka ayaa loo soo xiray tababar ku saabsanaa hal abuurka wax soo saarka Warbaahinta Bulshada, waxaana tababarka uu socday muddo afar maalmood ah.

Tababarkan oo ay qabatay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa waxaa taageerayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Agaasimaha Warbaahinta Cusub ee Wasaaradda warfaafinta XFS Cabdishakuur Cali Axmed ayaa sheegay in Hey’adaha Warbaahinta iyo wariyayaasha looga baahan yahay la qabsiga Warbaahinta casriga oo wax badan ka badashay habkii hore ay u shaqaynayeen Warbaahinta.

Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxiin Ciise Caddoow ayaa tilmaamay in Wasaaraddu kordhin doonto tababarrada muhiimka ah ee la xiriira Warbaahinta casriga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo soo xeray tababarka ayaa ku dhiira galiyay suxufiyiinta ka qeyb gashay in ay hirgaliyaan casharadii ay barteen, waxaana uu u mahad celiyay macalimiintii bixisay tababarkan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageeray in uu qabsoomo.

Ugu dambeyn Ka qeyb galayaasha tababarkan ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadoyin caddeynaya tababarka ay qaateen waxaana ay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo macalimiintii bixisay casharadii ay qaateen.

 

La wadaag cid kale