Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyootay Xaliimo Shire Cabdi oo ka tirsaneyd howlwadeennada wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ku hadlaya magaca maamulka iyo Shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta XFS ayaa geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi . tacsi tiiraanyo leh uga diray qoyska, qaraabada, bahda shaqada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

La wadaag cid kale