Afgambi Fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan

La wadaag cid kale

Muqdisho… SONNA…Xukuumadda Dalka Suudaan ayaa xaqiijisay inuu Fashilmay isku day inqilaab oo Saaka ka dhacay dalkaas.

Warbaahinta Qaranka Suudaan ayaa baahisay warkan,dhanka kale Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan oo la hadlay wakaaladda reuters ayaa sheegay in  sharciga la horgeeyn doono dadku ku lugta lahaa afganbiga dhicisoobay.

Ilaa hada lama cadeyn cida ku luglahayd isku dayga afgembi,Sidoo kale lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay isku dayga afganbi iyo saraakiisha hoggaaminaysay.

Dalka Suudaan ayaa  sanada ka hor waxaa ka dhacay  afgambi looga tuuray talada dalka  madaxweynihii hore  Cumar Xasan Al- bashir

La wadaag cid kale