Abaaraha ka jira Soomaaliya oo saameeyay degaanno hor leh

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Abaaraha xooggan ee ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa haatan maraya heerkii ugu adkaa sida ay sheegeen Qaramada midoobay iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Goobaha ay sida ba’an ugu habsatay abaartu lagana soo sheegayo macaluul ayaa waxaa ka mid ah gobollada degaanno ka tirsan maamullada Jubbaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle Galmudug iyo qeybo ka mid ah Puntland.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo bilihii ugu dambeeyay waday safarro la xiriira u kuurgalka abaaraha dalka ayaa sheegay in xaaladdu ay marayso heerarkii ugu xumaa loona baahan yahay gurmad deg-deg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dabayaaqadii Todobaadkan booqday xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay jiraan dad u badan carruur, haween iyo da’aad u jilicsan, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuu ayaa horay safarro u kuurgal ah ugu tagay barakacayaal ku jira xeryo ku yaalla inta badan maamullada uu dalku ka kooban yahay, isagoo sheegay inay heerka baahidu tahay mid aad u daran, macaluulna ay ka jirto degaannada qaar.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale dhowaan sheegay inay degaanno hor leh oo ka tirsan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ay ku fidday abaartu, wuxuuna maamulku sheegay inay jiraan xeryo barakac cusub ah oo haatan ka samaysmay duleeddada magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, kuwaas oo u baahan in gargaar lala gaaro.

Dhinaca kale, Kooxda Al-shabaab oo degaannada qaar ku haysey go’doomin ayaa haatan billaabay inay aasaan Ceelasha biyaha ee ay ku noolaayeen dadka ku dhaqan dhulka miyiga, iyagoo gubay Tuulooyin badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan, taas oo kasii dartay xaaladda guud ee abaarta ka jirta dalka.

Abaarta haatan ka jirta Soomaaliya oo ay sababeen dhowr xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in, fatahaado soo laalaabtay iyo Ayax baabi’iyay dalagyadii la tacbaday, colaado iyo sicir barar ayaa ah mid saamaynteedu ay kusii fideyso degaanno hor leh.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Muqdisha ayaa sheegay dhowaan in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7-milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof.

La wadaag cid kale