Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho
    June 9, 2026
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan
    June 9, 2026
    Aqoon-isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Xusuusta Dunida ee UNESCO oo la Soo Xiray
    June 8, 2026
    Ciidamada ammaanka oo Hotel Elite ee Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan
    June 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
    June 9, 2026
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 9, 2026
3 Min Read
Share

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta daah furay sidii dib-u habeyn yo dayactir loogu sameynayay kaydka Radio Muqdisho, si loo dardar-geliyo badbaadinta iyo casriyeynta dhaxalka maqalka ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Daah-furka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Radio Muqdisho, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee kaydka iyo Makiinadaha dib loo dayactiray ee lagu danabeynayo canjaladaha taariikhiga ah.

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/Fataax Daahir Jayte oo madasha hadal ka jeediyey ayaa ugu horreyn ka warbixiyey marxaladihii uu soo maray dib u dayactirka iyo casriyeynta keydka baaxada weyn ee Radio Muqdisho, isaga oo rajeeyey in tani bilow u noqoto in Keydka Radio Muqdisho uu helo Casriyeyntii ugu ballaarneyd, maadaama Madaxda Wasaaradda ka go’an tahay in keydka hab Digital loo bedelo.

Wasiirka ayaa sheegay in dayactirka iyo dib-u-habeyntan ay tahay horudhac muhiim u ah dadaal ballaaran oo Wasaaraddu ku casriyeynayso Kaydka Radio Muqdisho, si loo ilaaliyo loona badbaadiyo kumannaan cajaladood oo xambaarsan taariikh, dhaqan iyo xusuusta qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale,bogaadiyay howl-wadeennada Radio Muqdisho iyo shaqaalaha Kaydka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu dardargelinayo casriyeynta Canjaladaha kaydka, si jiilasha mustaqbalka ay uga faa’iideystaan dhaxalkan qaran.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO iyo Barnaamijka JFIT ee Dowladda Japan ee taageeraya Barnaamijka Xusuusta Dunida ( Memory of the World), sameynta Warbixinta qiimeynta Kaydka Radio Muqdisho, iyo dib-u habeynta Makiinadaha iyo qalabka Kaydka.

Wasiirku wuxuu xusay in makiinadaha dib la dayactiray ay yihiin bar bilow wanaagsan, balse aysan weli ku filnayn baaxadda weyn ee canjaladaha taariikhiga ah ee kaydka ku jira iyo badbaadintooda oo u baahan barnaamij ballaaran, loona baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed, UNESCO iyo Saaxiibada kale ee caalamka in ay kaalin ka qaataam ololaha ay Wasaaraddu wado ee lagu fududeynayo helitaanka xogta kaydka iyo dedajinta casriyaynta Canjaldaha waqti dheer kaydsan oo halis ugu jira baaba’ iyo lumitaan.

Kaydka Radio Muqdisho waa hoyga ugu ballaaran taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo 1951, waxaana Wasaaradda ay waddaa dadaal lagu dardar galinayo casriyaynta Canjaladaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta…

June 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tababar ku saabsan maamulka hay’adaha warbaahinta oo lagu soo gaba-gabeeyay Kismaayo

Kismaayo,(SONNA):- Wasiirka Wasaraada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa soo xiray tababar u soconayay muddo seddex…

GudahaWararka
August 3, 2023

Wasaaradda waxbarashada XFS oo qalab xafiiseed ku wareejisay agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir +Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qalab xafiiseed ku wareejisay xafiiska agaasinka…

Wararka
September 22, 2020

Shirka maamulada degmooyinka iyo gobolada Hirshabeelle oo looga hadlay adeegga bulshada

Jowhar (SONNA): Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shir-guddoomiyay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle…

GudahaWararka
February 27, 2024

Ra’iisalwasaare Rooble oo ku wajahan dalka Kuwayt

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisal-Wasaaraha Cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safarkiisii ugu horreeyay ee…

GudahaWararka
October 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023