Muqdisho,(SONNA):- Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Mohamed Ali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Mudane Judicaël Elidje, oo ah Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Soomaaliya, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee qaranka Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha caafimaadka, awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, waxbarashada, iyo horumarinta bulshada. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka taranka, dhismaha hay’adaha dowladda, nabad-dhisidda, iyo horumar loo dhan yahay oo ka hirgala guud ahaan Soomaaliya.
