Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Hambalyo u diray Ilhan Omar, Omar Fateh iyo Jamal Osman.

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa hambalyo u diray Ilhan Omar, Omar Fateh iyo Jamal Osman oo guulo ka gaaray doorashooyinkii heer federaal, gobol iyo degmo ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida dadka Soomaaliyeed ugu faanayaan guusha ay gaareen dhallinyaradan Soomaaliyeed, isagoo rajeenayay inay ka wada shaqeeyaan xoojinta xiirka dadka Soomaaliyeed ee dalka jooga iyo Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka.